Muqdisho (Raxanreeb) Wasiirka caafimaadka ayaa faah faahin ka bixiyay tirada dhimashada ee ka dhashay weerarkii Hotel Xayaat ay ku qaadeen Ururka Al-Shabaab.
Wasiirka caafimaadka Dr. Cali Xaaji ayaa sheegay tirada dhimashada 21 qof halka uu dhaawaca uu ku sheegay 117.
”Xukuumadda Soomaaliya waxa ay masu’liyad gaar ah iska saareeysaa guud ahaan daryeelka dadkii ay wax yeelladu soo gaartay gaarn ahaana dhaawacyada cuslus in ay daryeesho ayay masu’uliyad gaar ah iska saareysaa”
Wasiirka yaa sheegay inay dhibaatadaasi ahayd masiibo dhammaan ku dhacday shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in laga digtoonaado.
Wasiirka Caafimaad Cali Xaaji ma uusan sheegin khasaaraha dhabta ee gaaray Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Weerar socday 24 saac inkabadan ayaa ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay soo gabagabeeyaan.
Leave a Reply