Deg Deg: Taliyaha booliska Soomaaliya oo shir jaraa’id uga war bixiyay weerarkii hotelka Xayaat

Deg Deg: Taliyaha booliska Soomaaliya oo shir jaraa’id uga war bixiyay weerarkii hotelka Xayaat

Muqdisho (Raxanreeb) Taliyaha booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa sheegay inay ciidamada ammaanka ay soo gabagabeeyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hotel Xayaat ee isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo bilawday maqribkii Jimcaha ayaa soo gaaray illaa saaka oo Axad ah.

Taliye Xijaar, ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen dad gaaraya 106 oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Taliyuhu ma sheegin tirada dhimashada iyo dhaawaca isagoo sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay la wadaagi doonaan Wasaaradda Caafimaadka.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, weerarkaasi waxaa lagu dilay dad ka badan 20 qof halka dhaawacana uu kasii badan yahay intaasi.

Hotelka Xayaat ayaa si weyn u burburay ayadoona la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Weerarka ayaa qaatay ku dhowaad 30 saacadood oo toos ah.

Afhayeenka Al-Shabaab Abuu Muscab oo xalay ka hadlay warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegay in hotelka ay ku beegsadeen dad uu ku sheegay inay dowladda u shaqeeyaan iyo saraakiil.

Hase yeeshee badi dadka khasaaruhu soo gaaray ayaa ah shacab ku sugnaa hoteka iyadoo ay ahayd maalin Jimce ah oo dadku nasasho ku jireen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.