Baarlamaanka Jubbaland oo muddo kordhin 1 sanno u sameeyay Axmed Madoobe

Baarlamaanka Jubbaland oo muddo kordhin 1 sanno u sameeyay Axmed Madoobe

Kismaayo (Raxanreeb) Kulan ay maanta yeesheen golaha wakiillada Jubbaland ayaa lagu ansixiyay in muddo kordhin 1 sanno ah loo sammeeyo labada gole fulinta iyo baarlamaanka.

Kulankani ayaa ahaa kalfadhigii afaraad fadhigiisii shanaad ee ay yeeshaan golaha wakiillada maamulka Jubbaland asagoona ajandihiisu ahaa in wax ka baddel lagu sameeyo Dastuurka Jubbaland ayadoona ay kasoo qeeyb galeen 58 Xildhibaan

Baarlamaanka jubbaland ayaa wax ka baddelay dastuurka qodobada kala ah 28-aad iyo 70-aad, qodobadaa oo ahaa muddo xileedka labada gole iyo madaxweynaha 4 sanno markii hore halka maanta laga dhigay 5 sanno.

Hasa yeeshee taasi oo ka dhigan Madaxweynaha talada haya ee Axmed Maxamed Islaam, uu dhacayo sannadka bisha Agoosto 2024 halka markii hore la filayay in la qabto doorashada sannadka danbe 2023.

Guddoomiyaha golaha wakiillada maamulka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay ula jeedka kulankooda maanta waxa uu ahaa.

”Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa horey u sameeyay muddo kordhin ah 1 sanno ayadoo weli muran iyo is qab qabsi ka taagan yahay”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.