Wasiir Fartaag oo sheegay in la dilay saraakiil katirsan AS oo…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ( Fartaag), ayaa sheegay in laamaha amniga dalka ay xooga saari doonaan la dagaallanka kooxda Al-shabaab.

Wasiir Fartaag, ayaa carabka ku dhuftay in amniga Muqdisho uu ku yimid iskaashi dhex-maray laamaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed.

 “Waxaan rabaa in aan laamaha amaanka faro, shaqsigi lagu arko isaga oo shilankiisa ku nooleeynaayo kooxda khawaarijta ah ee sii dhimaneyso, in taalo laga qaado ” Wasiir fartaag.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in dowladda ay ka go,an tahay in dhinac walbo ay kooxda Al-shabaab kala dagaalanto, si looga hortago in dhaqaalo ay hesho kooxda.

Sidoo kale wasiirka amniga, ayaa tilmaamay in todobaadkii ugu dambeeyay lagu dilay horjogayaal Al-shabaab u qaabilsanaa ( Zakawaadka) isaga oo u cagajugleynaya dadka Soomaaliyeed, si baada ay uga qadaan ganacsata Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta markale ku celisay in weli ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish, korna loo qaaday si looga hortago in dhaqaalaho helaan kooxaha argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.