Wasiir hore Ilyaas oo ku biiray ciidankii Lafta-gareen ee ku sugnaa duleedka Baydhabo

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Sida ay sheegayaan wararka anu ka heleyno gobolka Baay, waxaa duleedka magaalada Baydhabo ka socda dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay wadaan wasiirro iyo saraakiil ciidan oo taageersan hoggaamiyihii hore ee koonfur galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Ciidamadan dhaq-dhaqaaqa wada ayaa la tilmaamay inuu ku jiro wasiirkii hore warfaafinta maamulkii Lafta-gareen Ilyaas Cali Nuur, kaasi oo la sheegay in uu ka gadoodsan yahay doorashadii ka dhacday Koonfur Galbeed,

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in Ilyaas uu si weyn uga carooday kooxda ku hareereesan Hoggaamiye Aadan Madoobe, kuwaas oo isla haysiiyey awoodda iyo go’aannada siyaasadeed maamulka cusub.

Sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay ciidanka taabacsan Lafta-gareen ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqa ay sameynayaan duleedka Baydhabo, isla markaana waxa ay ku goodiyeen in maamulka xooga ku qabsaday Baydhabo ay ka saari donaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.