Balcad ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya shir gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo goordhaweyd ka dhacay wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Goob jogayaal ayaa sheegay in shilka uu yimid kaddib markii gaariga Surf ah oo si xooli ah ku socday uu ku dhacay mooto Bajaaj, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 5 ruux oo mooto Bajaajta saarneed, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Xaalada ayaa lasoo warinaya in ay tan mid naxdin leh, iyada oo dadka goobta gaaray ay shegeen in shilka uu yahay mid naxdin leh.
Sidoo kale dadkii saarnaan gaariga Surf-ta ah ee dhaawacyada soo gaaran ayaa la tilmaamay in xaaladooda caafimaad loo soo qaaday.
Wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa ka dhacay shilal sababay dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo intooda badan loo sababeeyo taxadar la,aanta darawalada gaadiidka oo si xowli ah u socda.

Leave a Reply