Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kaga hadlay fashilkii ku yimid shirkii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in dowladda ay si xilkasnimo ah u aqbashay dalabka mucaaradka ee ay kasoo sareen shirkii magaalada kismaayo.
Sidoo kale wasiir Fiqi, ayaa tilmaamay in markasta mucaaradka ka shaqeynayaan sidii ay u fashilmi lahaa shirka, isla markaana ay dowadda muujisay tanaasul badan si ay u yimadaan Villa Somalia.
“Hoteelada Xalane hanala kugu yimaado ayay la soo shir tageen waa loogu tagay. Villa Somalia in ay yimaadaan ayay ka caga-jiideen waa laga qanciyay dadaal dheer ka dib. Villa Somalia carqalado is xig-xiga ayay damceen in ay ku hor gudbaan, dhammaantood si xikmadaysan ayaa looga gudbay. Laba wareeg oo wadahadal ah oo saacado dheer qaatay ka dib, waxay ku Kala hormareen sheegista in shirkii fashilmay” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Isaga oo intaas ku daray “Waa kooxo isku raran, Kala ujeeddo ah, qaarkood hal meel laga soo jiscimay, ayadoon shirkuba furminna banaanka la taagnaa waa fashilinaynaa wadahadalka.
Dawladda Soomaaliya ayaa Dalka mas’uuliyaddiisa loo dhaariyay, sida afduubka Khawaarijta shacabka looga xoreeyey ayaa looga xoraynayaa siyaasiyiinta raba in ay afduubka ku sii haystaan siyaasadda dalka iyo doorashooyinka”.
Hadalka wasiir Fiqi, ayaa imaanaya xili shalay uu fashil kusoo dhammaaday kulamadii kala duwanaa ee ay Muqdisho ku yesheen dowadda federaalka iyo mucaaradka dalka.

Leave a Reply