Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaiya oo Siciid Deni ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo kala go’anta dalka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa weerar culus ku qaaday hoggaamiyaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxa uuna ku eedeeyey in uu ku tuntay waxkasta oo Astaan u ahaa midnimada Ummada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Wasiir Fiqi, ayaa ku eedeeyay Deni, inuu la saftay shisheeyaha ay is hayaan Soomaaliya, oo ula jeediyay Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta, isla markaana waxa uu sheegay inuu taageeray kala go’a dalka.

“Ninka Xiriirka iyo wada shaqayntii waajibka ahayd yiri waan u jaray dawladda Soomaaliya, dawlado kale oo ajnabi ah oo dalkeena jiritaankiisa iyo midnimadiisa halis ku ahna xiriir toos ah la leh, muxuu inoo sheegayaa oo uu maantay la neef tuurayaa, oo isaga dhigayaa nin Soomaaliya har qabow u jiidaya” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay Deni inuu iska dhigayo shaqsi u turaya Soomaaliya, balse shisheeyaha uu kala shaqeynayo hagardaamada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka wasiir Fiqi, ayaa imaanaya xili dhowaan Deni uu madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeyey inuu dalka u horseedayo burburinta dowladnimada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.