Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo abaabul dagaal kawada Shabeelaha Dhexe

Wargaadhi (Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wasiirka ayaa Ciidamada ku bogaadiyey naf-hurnimada, geesinimada iyo guulaha ay ka soo hooyeen hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo ku adkeeyey inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda si dalka looga ciribtiro Al-shabaab. Waxaa uu carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ciidamada iyo dardargelinta hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay heegankooda iyo diyaar-garowgooda, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isku-duubnida iyo fulinta waajibaadkooda qaran si loo gaaro guulo waara.

Taliyuhu waxa uu sheegay in hawlgalladu ay u socdaan si qorsheysan, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxda Khawaarijtu.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah safar dhanka dhulka ah oo Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay maalmihii u dambeeyey ku marayeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe, kaas oo lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, laguna dhiirrigelinayo ciidamada ku sugan furimaha hore, isla markaana lagu xoojinayo isku-duwidda hawlgallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.