Norway (Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso oo jooga dalka Norway ayaa kulan la qaadatay Xoghayaha Shaqaallaha iyo Arrimaha Bulshada dalka Norway Kjetil Vevle ayadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iyo wada shaqeynta labada dowladood.
Kulanka waxaa si gaar ah looga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha la xiriira daryeelka Bulshada gaar ahaan tayeynta adeegyada loo fidiyo Carruurta, naafada iyo Haweenka.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdigeeda ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Norway (NORAD) Kristin Hagstad, kulanka oo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee u dhaxeeya labada dal gaar ahaanna mashaariicda hormarinta ee ku saabsan daryeelka Carruurta iyo guud ahaan sare u qaadida adeegyada mashaariicda la xiira arrimaha Haweenka.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdiga ay hogaamineyso ee safarka shaqo ku jooga dalka Norway ayaa waxa ay kulammo muhiim ah la qaadan doontaa qeybaha kala duwan ee dowladda iyo Hay’adaha Dalkaas.

Leave a Reply