Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in uu ka taasulay kursigii xildhibaanimo, isaga oo u hoggaansamay dhaqan gelinta dastuurka cusub uu dhigayo.
Wasiir Cabdifitaax ayaa sheegay in la ikhtiraay geliyay inuu kala doorto kurisiga xildhibaannimo ama midka wasiir. Waxa uu tilmaamay in door biday inuu ka taasulo kursiga xildhibannimo.
Sidoo kale wasiirka Cabdifitaax, ayaa sheegay in xeerkan uu yahay mid lagu kala saarayo ha’adda fulinta iyo xeer dajinta, isla markaana loo dhaqan geliyo nidaamka dowladnimada ee ku dhisan isla-xisaabtanka.
Wasiir Cabdifitaax ayaa maanta si rasmi ah loogu hordhaariyay guddiga joogtada a ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana dhaariyay Garsoore katirsan maxkamadda sare ee dalka sida uu qabo qodobka 123-aad ee dastuurka.
Sikastaba, wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim, ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyey ee u hoggaansama isbadalka lagu sameynayo mas’uuliyiin isku haya xilka wasiirnimo iyo xildhibaannimo.

Leave a Reply