Boosaaso (Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gabar dhallinyaro ah oo xalay lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland.
Dilka gabadha ayaa la sheegay in loo adeegsaday rasaas xili ay saarneed gaari nooca raaxada ah oo marayay halka ay iska galan jidka socodka galbeed iyo wadada gasha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Ilaa iyo hadda lama oga cida ka dambeysa dilka Saabiriin, oo noqoneysa gabadhii la aad ee sannadkan gudihiisa lagu dilo magaalada Boosaaso.
Weli laamaha amniga ee magaalada Boosaaso kama aysan hadlin dilka gabadha iyo haddii ay jiraan cid ay u soo qabteen.

Leave a Reply