Wasiirro katirsan XFS oo Baladweyne kaga qeyb galay xuska sannad guuradii 49-aad ee xornimada dalka Jabuuti

Baladweyne ( Raxanreeb Online) Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa magaalada Beledweyne kaga qeyb galay munaasabadda lagu xusay 49-guurada ka soo wareegtay maalintii Jamhuuriyadda Jabuuti ay xornimada ka qaadatay gumeysigii Faransiiska.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Cismaan Dubad, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Maxamed Cali Xagaa, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka socday Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Hobollada Qaranka ee Waaberi iyo masuuliyiin kale.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee magaalada Beledweyne, ayaa lagu maamuusay 49-guurada xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale, waxaa lagu xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya ka qaadatay halgankii ay Jabuuti uga xoroobaysay gumeysigii Faransiiska iyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.