Amniga darrada ka jirta magaalada Garoowe oo walaac laga muujiyay

Garoowe ( Raxanreeb Online) Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland, waxaa laga soo warinaya in xaalado amni darro ah ay kasoo cusboonadeen, kaddib markii ay maalmihii dambe ay kordheen isku dhacyada ciidamada kawada tirsan maamulka Puntland.

Culimada magaalada Garoowe ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeensado cid walba oo wax u dhimaysa nabadgelyada iyo jiritaanka Puntland, iyada oo cod dheer ku sheegay in lala dagaalamo wixii khalkhalgelinaya xasilloonida.

Xukuumadda madaxweyne Deni ayaa ku eedeeysay dowladda federaalka Soomaaliya in ay burburinayso dowladnimada Puntland, isla markaana ay abaabul ciidan iyo daabulaad hub ka wada deegaanno ka tirsan Puntland.

Sidoo kale Gobolka Mudug ayaa ka mid ah meelaha laga soo sheegayo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee federaalka, iyada oo Puntland ay sheegtay in ay tallaabo ka qaadayso arrintaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.