Bamako ( Raxanreeb Online) Military-ga dalka Mali ee galbeedka Africa, ayaa sheegaya inay iska caabiyeen weerar balaaran oo ay soo qaadeen kooxda gooni goosadka ee Reer waqooyiga ah ee Tuwaaraq iyo kooxaha Islaamiyiinta oo is garabsanaya.
Weerarkan ayaa ka dhacay 5 magaalo iyo hal xabsi oo ku yaala koonfurta iyo bariga dalkaasi.
Kooxahan ayaa labo bilood ka hor weerar xoogan ay gaysteen ku qabsadeen waqooyiga dalkaasi, waxayna sidoo kale dileen wasiirkii gaashaandhiga dalkaasi Sadiyow Kamara 25-April-2026.
Kooxda military ga ee afgambiga ku qabsatay dalka Mali ayaa xiriirka u jaray dalka Faransiiska oo ciidamo u joogay dalka Mali waxayna saaxiibo ka dhigteen dalka Ruushka iyo kooxda calooshood u shaqaystayaasha Ruushka ee Wagner.
Sidoo kale dowladda Mali ayaa lumisay dhul balaaran kooxahan ku kacsan oo Military-ga iyo Saaxiibadooda Ruushka way ku fashilmeen la tacaalida kooxahan ku kacsan.
Mararka qaar kooxaha gooni goosadka iyo kuwa Islaamiyiinta ayaa soo kulaala hareeraha caasimada looga arimiyo dalka Mali ee Bamako oo ah magaalada ugu weyn ee dalkaasi.

Leave a Reply