Garoowe ( Raxanreeb Online) Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid heshiisyo la xiriira kalluumaysiga oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay shirkado shisheeye, isagoo sheegay in heshiisyadaasi aysan sharci ka noqon karin deegaannada Puntland.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka aysan kaligeed go’aan uga gaari karin kheyraadka badda, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in dowlad-goboleedyada lagala tashado heshiis kasta oo saameynaya khayraadka dabiiciga ah.
Puntland waxay sheegtay inay sii wadi doonto ilaalinta xeebaha iyo kheyraadka badda, isla markaana aysan oggolaan doonin maraakiib ama shirkado ku shaqeynaya heshiisyo aysan maamulkaasi qayb ka ahayn. Waxay sidoo kale uga digtay shirkadaha shisheeye inay ka fogaadaan hawlgal kasta oo aan fasax ka haysan maamulka Puntland.
Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha iyo diidmada ay Puntland ka muujisay heshiisyadan. Arrintan ayaa sii xoojisay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac, kaas oo muddooyinkii dambe saameyn ku yeeshay wada-shaqeynta arrimaha amniga, dastuurka iyo maamulka kheyraadka dalka.
Sidoo kale Khubarada siyaasadda ayaa aaminsan in murankan uu saameyn ku yeelan karo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah iyo dadaallada lagu doonayo in si hufan looga faa’iidaysto kheyraadka badda Soomaaliya, haddii aan xal wadahadal ku dhisan laga gaarin.

Leave a Reply