Dhuusamareeb ( Raxanreeb Online) Xisbiga Towfiiq ayaa si rasmi ah u diiday natiijada doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Galmudug, isagoo ku eedeeyay habraaca tirinta codadka iyo ku dhawaaqista natiijooyinka guddiga doorashooyinka, in ay tahay mid aan lagu kalsoonaan karin.
War-saxaafadeed uu xisbigu soo saaray ayaa lagu sheegay in natiijada lagu dhawaaqay aysan si buuxda uga tarjumayn codadkii shacabka Galmudug ay dhiibteen. Xisbiga ayaa sheegay inuu hayo xog iyo dukumiintiyo cadeeynaya in habka loo maray tirinta codadka ay tahay mid musuq-maasuq iyo Eex, isla markaana arrintaas ay tahay mid si weyn u saameysay natiijada la filayay.
Xisbiga Towfiiq, ayaa ugu baaqay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha in la sameeyo dib-u-eegis madax-bannaan oo lagu hubinayo saxnaanta natiijooyinka, si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka iyo daahfurnaanta geeddi-socodka doorashada.
Xisbiga ayaa sidoo kale ku boorriyay guddiga inuu si cad uga jawaabo cabashooyinka ay soo gudbiyeen dhinacyada ka qaybgalay doorashada.
Sida uu xisbigu sheegay, doorashada tobanka degmo ee Galmudug waxaa codkooda dhiibtay 58,519 qof, halka codadka halaabay ay gaarayeen 987, oo u dhiganta ku dhowaad boqolkiiba hal. Towfiiq ayaa ku andacooday in uu helay 53,054 cod oo u dhiganta 53.85% codadkii golaha wakiillada, taasoo uu sheegay inay u saamaxaysay inuu ku guuleysto 47 ka mid ah 89-ka kursi ee golaha
Illa iyo hadda guddiga doorashooyinka kama ay jawaabin cabashooyinka kasoo yeeraya qaar kamid ah Ururada siyaasadeed ee doorashada Galmudug ku tartamayay.

Leave a Reply