Weriye Cabdullaahi Abuukar oo ciidanka Booliska ku xireen Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidamada Booliska gobolka Banaadir, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku xiray weriye Cabdullaahi Abuukar Cali oo loo yaqaan “Diirshe” kaasi oo ka howlgalla warbaahinta Somali Stream ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Booliska gobolka Banaadir oo soo saaray war-saxaafadeed, ayaa sheegay in weriye Diirshe uu ku eedeeysan yahay “baahinta iyo hadalo ka baxsan anshaxa iyo qaanuunka” kuwaasi oo dhaawacaya sumcada iyo sharafka hay’adaha dowladda.

“Wuxuu ku eedeysan yahay faafinta warar aan sal iyo raad laheyn, sameeynta barobogaando marin-habaabinta ah iyo baahinta xog lagu tilmaamay mid wax u dhimeysa amniga, xasiloonida iyo kala dambeynta bulshada” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Booliska.

Sida Booliska uu sheegay qabashada wariyaha ayaa timid kaddib markii waaran soo qabasho ah ay maxkamadda gobolka banaadir ay soo saartay.

Warbaahinta Somali Stream iyo bahda warbaahinta magaalada Muqdisho, ayaa xariga wariye Cabdullaahi, ku tilmaamay mid ka baxasan sharciga, isla markaana waxa ay dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan wariyaha loo siidaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkan gudahiisa wax ay Muqdisho, ku xirtay dhowr wariyo oo soo tabiyay war aysan jecleysan dowladda oo mucaaradka ku eedeeynayeen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.