Wsiirka Amniga oo loo magacaabay safiirka Qatar

Wsiirka Amniga oo loo magacaabay safiirka Qatar

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Amniga Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa loo magacaabay, danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar.

Wasiirka ayaa maanta ka qeeyb galay shirkiisii ugu danbeeyay ee golaha wasiirrada Soomaaliya, isagoona sagootin loo u sammeeyeen Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya kuwaas oo maanta shirkoodii toddobaadlaha ahaa soo xaadiray qaar.

Wasiirad Khadiija Maxamed Diiriye ayaa soo dhigtay qoraalkan barteeda Facebook, “Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha XFS Safiirkeena Doha Qatar u fadhiisan doona dowladda Soomaaliya.”

Hadalkan Wasiirad Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa kusoo aadaya xilli uu doonayo ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre, isku shaandheen golahiisa wasiirrada ah, dhowaan.

Magacaabista Danjire Doodishe ayaa ahayd mid lawada ogaa oo Baraha Bulshada la isugu dhaafsanayay iyadoo la sheegay in loo magacaabi doono Safiirka dalka Qatar ee Soomaaliya u fadhiya.