Xaaladda boqoradda UK oo laga walaacsan yahay

London (Raxanreeb ) Waxaa maanta sare u kacay cabsida laga qabo xaaladda boqoradda UK Queen Elizabeth II kadib markii qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace uu sheegay in dhaqaatiirta “ay walaac ka muujiyeen” caafimaadkeeda, islamarkaana soo jeediyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo.

Elizabeth, oo ah 96 jir, ayaa waxaa tan iyo bishii October ee sanadkii tegay haystay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhigay inay ku dhibtooto inay istaagto.

Boqoradda ayaa hadda ku jirta fasax ay ugu dabaal degeyso sanad-guuradii 70-aad ee kasoo wareegtay markii ay beddeshay aabaheed Boqor George VI, 1952-kii.

Dhammaan caruurteeda oo kala ah; Prince Charles, oo ah73 jir iyo dhaxal-sugaha, Princess Anne oo ah 72 jir, Prince Andrew oo ah 62 jir iyo Prince Edward oo ah 58 jir, ayaa tegay halka ay ku sugan tahay oo ah Balmoral Scotland, sida ay sheegtay boqortooyada.

Arbacadii, boqoradda ayaa baajisay kulan ay la qaadan laheyd la-taliyeyaasheeda sare ee siyaasadda kadib markii loo sheegay inay nasato.

Taaladadii waxay qaabishay ra’iisul wasaarihii hore ee UK Boris Johnson oo xilka iska casilayey iyo ra’iisul wasaaraha cusub Liz Truss oo ay si rasmi ah u magacowday.

“Kadib qiimeyn dheeraad ah oo lagu sameeyey saaka, dhaqaatiirta boqoradda waxay walaac ka muujiyeen caafimaadkeeda, waxayna ku taliyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Buckingham Palace.

“Boqoradd waxay ku nasaneysaa Balmoral,” ayaa lagu yiri bayaanka.

In qasriga madaxtooyada ee Buckingham Palace uu warsaxaafadeed kasoo saaro xaaladdeeda caafimaad, waa arrin aan caadi aheyn.

“Qasriga war kama soo saaro xaaladda caafimaad ee boqoradda haddii aysan aheyn mid muhiim ah,” waxaa sidaas BBC-da u sheegay Robert Hardman oo ah qoraa iyo fallanqeeye arrimaha boqortooyada

Source : VOA

Leave a Reply

Your email address will not be published.