Mahad Salaad Kiiska , Ikraan Tahliil & sababaha aamuska Maama -Qaali

Mahad Salaad  Kiiska  , Ikraan Tahliil & sababaha aamuska Maama -Qaali

Muqdisho (Raxanreeb ) Hooyada dhashay sarkaalad Ikraan Tahliil Qaali Guhaad ayaa Maanta oo Khamiis ah sheegtay in weli cadaalad ay u raadinayso maqnaanshaha Gabadheeda.

Waxa ay sheegtay Maama Qaali in ay filaysay in marka dalka uu ka dhaco isbedel ay hesho cadaalad hase ahaatee xilligan aysan taas u muuqan mid dhaqan gal ah.

“Aniga waxaa ka sugayay madaxda dalka la wareegtay in ay cadaalad u raadinayaan gabadhayda laakiin taas ma dhicin waxaa weli raadinayaa in aan raq iyo ruux aan helo gabadhayda ” ayay tiri maamo Qaali.

Waxa ay sheegtay Maamo Qaali Guhaad in sababaha ay u aamustay ay ahayd in ay dhawraysay wax ka qabashada kiiska gabadheeda oo markii hore madaxda hada joogta sida Xasan Sheekh uu balan qaaday wax ka qabashada Kiiska Ikraan.

”Gabadhaydii waa iga hor muuqataa walwal iyo warbahaar ayaa ku noolahay Dowladda waa ay dhisan tahay waxaan rabaa in indhaha la furo shalay idinka ayaa u ololeynayay ” ayay tiri Maama Qaali Guhaad.

Ma jirto ayay tiri Qaali Guhaad wax ka hadlaya Kiiska Ikraan waxaan rejaynayay in la ii yimaado waase la iga aamusay.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa soo jiitamayay tan iyo 2021 waxaa uuna ka mid ahaa kiisaskii ugu waa waynaa ee dalka dhacay intii xukunka uu joogay Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kiiskan waxaa si aad ah ugu ololaynayay Madaxwaynaha talada dalka hadda haya iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida Mahad Salaad kuwaas oo ilaa iyo haatan u dhaqaaqin kiiskan iyo waxa laga yeelayo maqnaanshaha Ikraan Tahliil.

Leave a Reply

Your email address will not be published.