Xabbad-joojin soconaysa 24 saac oo looga dhowaaqay Sudan

Xabbad-joojin soconaysa 24 saac oo looga dhowaaqay Sudan

Khartoum (Raxanreeb) — Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa ku heshiiyey xabbad-joojin soconaysa muddo 24 saacadood ah, oo ka billaabmaysa fiidnimada Talaadada.

Xabbad-joojinta ayaa timid kadib cadaadis uga yimid xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken oo ku saabsan joojinta dagaalka lagu hoobtay ee ka dhacay caasimadda dalka Sudan ee Khartoum iyo weliba rasaas lagu furay kolonyo diblomaasiyiin Maraykan ah.

Colaadda u dhexeysa kooxaha hubaysan ee ku loolamaya dalka Sudan ayaa billaabmay afar maalmood ka hor, waxaana ku dhintay ugu yaraan 185 qof guud ahaan dalka.

Xabbad-joojinta ayaa billaabanaysa 6-da Fiidnimo wakhtiga dalka Sudan, iyada oo aan laga sii kordhin doonin wakhtigaas lagu heshiiyey, sida uu u sheegay telefishanka al-Carabiya, General Shams El Din Kabbashi oo xubin ka ah golaha milateriga ee haya dalka Sudan.

Subaxnimadii Talaadada, waxaa guud ahaan Khartoum ka dhacay rasaas ay wehlisay dhawaqa diyaarado dagaal iyo qaraxyo.

Dadka deggan magaalooyinka deriska ah ee Omdurman iyo Bahri ayaa soo sheegay duqeymo xagga cirka ah oo ruxay dhismayaal iyo rasaas lidka diyaaradaha ah. Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaallo ay ka dhaceen galbeedka dalkaas.

Blinken waxa uu la yeeshay wicitaano gooni gooni ah taliyeyaasha iska soo horjeeda – taliyaha ciidanka iyo madaxa ciidamada taageerada degdega ah (RSF) – kuwaas oo loolankooda awoodeed uu meesha ka saaray qorshe caalami ah oo uu taageeray oo loogu wareegayo xukun rayid kadib tobanaan sano oo madax-bannaani iyo xukun milatari.

Blinken oo hadal ka jeediyey dalka Japan ayaa sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay taliyaha RSF General Mohamed Hamdan Dagalo iyo General Abdel Fattah al-Burhan, isaga oo ugu baaqaya xabbad-joojin soconaysa 24 saacadood, si loogu ogolaado qoysaska dalka Sudan inay la midoobaan ehelladooda ka maqan iyo in la gaadhsiiyo gargaar.

Blinken ayaa sheegay in la weeraray kolonyo diblomaasiyadeed oo uu ka taagan yahay calanka dalka Maraykanku. Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya inay weerarkaas ku lug leeyihiin ciidamo lala xidhiidhinayo kooxda RSF.

Blinken ayaa sheegay tallaabadaasi inay tahay mid mas’uuliyad darro ku dheehan tahay. Blinken ayaa sheegay inay bedqabaan dhamaan shaqaalaha Maraykanka ahi.

Taliyaha ciidanka RSF, Hemati ayaa sheegay in RSF ay qaateen xabbad joojinta si loo hubiyo marin ammaan ah oo ay isticmaalaan dadka rayidka ahi iyo in la daadgureeyo dadka dhaawaca ah.

Hemati ayaa sheegay inay qorshaysan yihiin wadahadallo dheeraad ahi.