Dilalka ka dhacay Muqdisho ma waxa u sabab ah hubka ama ?

Dilalka ka dhacay Muqdisho ma waxa u sabab ah hubka ama ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu soo hagagagayo xilligan amniga magaalada Muqdisho ka dib markii xaafadaha qaar ciidamo lagu daadiyay.

Saraakiisha ciidanka Dowladda oo ku kulmay – magaalada Muqdisho ayaa sheegay, in wax badan ay ka qabteen amniga tan iyo markii la guda galay bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Waxa ay sheegeen Hay’adaha amniga in markan Dowladda ay u soo jeesatay wax aka qabashada  hubka faraha badan ee yaala  magaalada Muqdisho si  loogu gudbo caqabada dilalka.

Inkastoo Dowladda ay sheegayso  in amniga uu soo hagagayo ayaa hadan waxa jira su’aalo badan oo ka dhashay sababaha soo celcelinaya dilalka ka jira caasimada.

Dilalka iyo beegsiga ayaa la rumaysan yahay in ay ka danbeeyaan xubnaha Al- Shabaab ee dagaalka kula jira Dowladda Federaalka Soomaaliya mudada dheer.

Si kastaba Dowladda ayaa xoogga saaraysa wax aka qabashada hubka fara badan ee  lagu dhax sito magaalada taas oo  haddii dhanka kale dhaqan gasho wax badan ka tari karta amniga   Muqdisho.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa maalmo ka – hor sheegay in aan la ogolaan doonin in hubka culus lagu dhax wato magaalada Muqdisho sabab la xiriira amniga caasimada oo  faraha ka sii baxaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.