Xamsa Barre oo daah furay Xarunta la dagaallanka fikirka Xagjirka ah

Xamsa Barre oo daah furay Xarunta la dagaallanka fikirka Xagjirka ah

Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay howlgelinta xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee Tubsan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in la wiiqay awooddii Al-Shabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay dib uga soo laabanayaan afkaartooda. Sida lagu yiri war goordhaweed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Tubsan looga fadhiyo sidii ay u ciribtiri lahayd afkaarta gurracan ee kooxaha Khawaarijta ay uga been sheegayaan diinteenna suubban, isagoo ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay argagixisadu marin habaabisay in ay ka faa’iideystaan fursadaha cafiska ah ee ay dowladdu siinayso, isla markaana ay dib ugu soo laabtaan dadkooda,” sida lagu sii yiri warka ka soo baxay kulanka.

Sidoo kale warka ka soo baxay kulanka ayaa lagu sii yiri, “Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay hoggaanka Tubsan in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Al-Shabaab ay baraan afkaar suubban oo ku saleysan nabadda iyo waddaniyadda.”

Munaasabadda Xarunta Qaran ee Tubsan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Safiiro ka socday saaxiibada caalamka iyo marti sharaf kale.