Xamsa Barre oo magacaabay guddi ka shaqeeya maalmaha xorriyadda

Xamsa Barre oo magacaabay guddi ka shaqeeya maalmaha xorriyadda

Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63aad ee ka soo wareegatay markii xurnimada la qaatay.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63aad ee maalmaha xorriyadda.”

Guddiga uu u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka kooban siddeed Wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuwaas oo kala ah:

  1. Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi.
  2. Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac.
  3. Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodisho).
  4. Wasiirka Maaliyadda Dr Cilmi Maxamuud Nuur.
  5. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Maxamuud Barre.
  6. Wasiirka Haweenka Khadiija Maxamed Diiriye.

7Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Bixi Iimaan Cige.

  1. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Xuseen Maxamed.
  2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).