Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay guddiga dhameeystirka Dastuurka

Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay guddiga dhameeystirka Dastuurka

Muqdiaho (Raxanreeb) — Madaxweynha DF Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan wadajir ah la qaatay Guddiga la socodka dib u eegista & hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee dib u eegista Dastuurka Dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa labadaan Guddi kala hadlay dhammeystirka Dastuurka KMG ah si loo dardargeliyo qodobada u baahan dib u eegista loona diyaariyo habraaca loo gudbinayo labada Gole ee Baarlamaanka 11aad JFS.

Waxa uu arrin muhiim ah ku tilmaamay in la hagaajiyo dastuurka KMG ah ee Dalka si Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelato dastuur dhammeystiran oo waddanka ka saaraya xasilooni darrada Siyaasadeed waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa sheegay in Xukuumaddiisa ay u taagan tahay fududeynta howlaha farsamo ee lagu qabyo-tirayo Dastuurka KMG ah ee Dalka si loosoo gabagabeeyo shaqadaas lagu hagaajinayo.

Xubno katirsan Guddiyada Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Dalka ayaa sheegay in ay dardargelinayaan qabyo-tirka Dastuurka si loogu gudbiyo Golaha Shacabka Marka uu golahaas u codeeyo kaddib loo wareejinayo Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad JFS.