Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay shirka golaha amniga

Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay shirka golaha amniga

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay shir guddoomiyay shirka golaha amniga qaranka, kaas oo ay goobjoog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyo saraakiisha amniga dalka.

Shirka ayaa looga hadlay saddex arrimood oo kala ah, dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab, dhameeystirka kabixitaanka ATMS, iyo diyaar garowga amniga lagu xaqiijinayo marka ATMS ka baxaan dalka.

Xasan Sheekh, ayaa ka dhageeystay masu’uliyiin kala duwan iyo saraakiisha laamaha amniga, warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda dalka iyo howlgallada ka dhanka ah, kooxda.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo madashan ka hadlay ayaa ku adkeeyay hay’adaha amniga habraaca xakameynta hubka iyo rasaasta maadaama laga qaaday dhowaan cunaqabateyn saarneed 30 sano inkabadan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in guusha laga soo hoyiyay qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana dagaal adag lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ee maamusha deegaano badan oo ka tirsan dalka.

Hasa yeeshee weli waxaa taagan xiisadda badda Soomaaliya iyadoo dhowaan maamulka Somaliland, iyo Itoobiya ay heshiis is-afgarad ah, ku gaareen Addis Ababa, taas oo Itoobiya lagu siinayo dhul badeed dhan 20km.