Makka ( Raxanreeb Online) Qaar kamid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan u amba-baxay gudashada waajibaadka Xajka, ayaa la kulmay culeesyo ku aadan ageedyadii u baahnayeen si ay u gutaan waajibaadka Xajka.
Xujeyda ayaa sheegay in la dejiyay deegaano ka fog goobaha muhiimka ah ee Xajka, taasi ku qabsatay in ay la kulmeen dhibaatooyin dhinaca gaadiidka iyo helitaanka ageegyada aas-aaska sida cunida iyo hooy wanaagsan.
Waxa ay sheegeen xujeyda in adeegyada loo fidiyay ay aad u hooseyaan, marka loo eego lacagaha laga qaaday qofkii oo ah in ka badan afar kun oo dollar, taasi oo ka dhigeysa Soomaaliya meelaha ugu qaalisan ee lagu bixiyo kharashaadka Xajka.
Sidoo kale maalintii shalay qaar kamid ah xujeyda ayaa dhigay banaanbax cabasho ah iyaga ooh or istaagay gaari uu la socday wasiir Awqaafta iyo arrimaha Islaamka Muqtaar Roboow, iyaga oo ka dalbanaya inuu wax ka qabto xaaladaha ay wajahayaan.
Ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay wasaaradda oo ku aadan cabashooyinka ay gudbiyeen xujeeyda Soomaaliyeed, ee sannadkan gudanaya waajibaadka Xajka.

Leave a Reply