Muqdisho ( Raxanreeb Online) Mucaaradka dowladda ayaa markale ku dhawaaqay banaanbax ka dhan ah dowladda federaalka, kaasi oo dhici doonaa 4-ta Juun.
Shir jaraa’id oo ay xubnaha mucaaradka ku qabteen Muqdisho, ayey uga hadleen damaca muddo kordhinta ee madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ku tilmaameen in dalka uu u horseedayo qalaalaaso siyaasadeed.
Mucaaradka ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay madaxweyne waqtigiisa dhammaaday, isla markaana Villa Somalia ku joogo sharci darro, waxa ayna tilmaameen in Xasan Sheekh uu ku tuntay sharciyadii dowladnimada Soomaaliya.
Geesta kale mucaaradka ayaa xusay in diyaar u yihiin in wada-hadalada ay sii socdaan, balse madaxweyne Xasan uusan diyaar u aheyn in lagala hadlo hannnaanka doorashada dalka ay u dhici karto.
Sidoo kale mucaaradka ayaa sheegay in banaanbaxooda uu yahay mid nabadeed, uuna joogto yahay inta , waxa ayna ugu baqeen shacabka ku nool Muqdisho in ay isugu soo baxaan magaalada oo ay ka dhiidhiyaan tallaabooyinka guracan ee madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday uu qaadayo sida ay hadalka u dhigeen.

Leave a Reply