Xuutiyiinta Yemen iyo Burcad-badeeda Soomalida oo iska kaashaday afduubta Markab…

Boosaaso ( Raxanreeb Online) Burcad-badeeda Soomaalida iyo urur Xuutiyiinta Yemen ayaa la sheegay in ay iska kaashadeen afduubka markabka M/T Eureka oo hadda lagu haysto xeebaha gobolka Bari ee Puntland.

Ururka Xuutiyiinta ayaa ka gacan siisay burcad-badeeda qabsashada markabka M/T Eureka oo 2-dii bishan May. laga afduubay meel u dhow xeebaha magaalada Shabwa ee dalka Yemen.

Sidoo kale Xuutiyiinta Yemen, ayaa la tilmaamay in ay haystaan saddex nin oo Soomaali ah oo ay u haystaan damaanad, kuwaas oo ka socda dhanka burcad-badeeda, sida ay ilo wareedyo ay xaqiijiyeen.

Kooxda burcad-badeeda iyo Xuutiyiinta, ayaa la sheegay in ay doonayaan in ay kala qabsadaan lacag madax-furasho ah oo ay ka doonayaan markabkan, waxaana hadda wararku sheegayaan in gorgortankii ugu dambeeyay uu marayo 10 milyan oo doolar, sida ay warisay Drop Site News.

Markabka M/T Eureka oo sida saliid waxa uu watay calanka dalka Togo ee galbeedka Afrika ka hor inta aan la afduubin, waxaana shaqaalaha saaran ay siddeed ka mid ah yihiin dad u dhashay Masar.

Sikastaba, kooxaha burcad-badeeda ah ayaa xeebaha Puntland ku haysta saddex markab oo ganacsi, kuwaas oo la tilmaamay in ay ka doonayaan lacag madax-furasho fara badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.