Sanca ( Raxanreeb Online) Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, oo gacan ka helaysa Iiraan, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay go’doomin dhanka badda ah oo ay ku soo rogeen dalka ay colka yihiin ee Sacuudiga, iyagoo sheegay inay beegsan doonaan maraakiibta u gooshaysa dekedaha dalkaas.
Go’aankan ayaa yimid ka dib markii labada dhinac ay is-weydaarsadeen madaafiic iyo weeraro toos ah toddobaadkii hore, taas oo soo afjartay muddo sannado ah oo ay xasillooni ka jirtay xadka labada dal.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid si weyn u kicinaysa xiisadda Bariga Dhexe, iyadoo muujinaysa in colaadda Yemen ay dib ugu soo laabatay weji cusub oo khatar ku ah amniga iyo dhaqaalaha marinnada biyaha ee gobolka.

Leave a Reply