109 qof oo ku dhintay daadad ka dhacay waddanka Rwanda

109 qof oo ku dhintay daadad ka dhacay waddanka Rwanda

Kigali (Raxanreeb) — Warbaahinta waddanka Rwanda ayaa sheegtay in 109 qof ay ku dhinteen daadad xilli roobab mahiigaan ah ay ka da’een gobollada galbeedka iyo woqooyiga ee dalkaas.

Wakaaladda wararka ee Rwanda ayaa Arbacadii sheegtay in dhimashadu “ay sii kordhayso”.

“Tani waxay noqon kartaa dhimashadii ugu badnayd ee ay sababto masiibadii ugu muddada gaabneyd ee laga diiwaangeliyo dalkan,” ayuu yiri wargeyska New Times ee ay dowladdu taageerto..

Qaybo ka mid ah Bariga Afrika, oo ay ku jiraan Uganda , ayaa waxaa ka da’aya roobab xooggan.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku qaraqmay daadad asbuucii hore kadib markii webi uu ku fatahay degmada Rukungiri ee waddanka Uganda.

AP.

Qeybo ka mid ah bariga Afrika oo ay ku jiraan Koonfur-galbeed Uganda, ayaa waxaa ka da’aya roobab xooggan.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku qaraqmay daadad asbuucii hore ka dib markii webi uu qararka jabsaday degmada Rukungeri ee fog ee Uganda.

VOA