Muqdisho (Raxanreeb ) James Swan oo in muddo ah maamulayay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa la bedelay sida uu sheegay , Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.
James Swan ayaa lagu bedelay sida uu shaacayay António Guterres haweenay u dhalatay dalka Ingriiska oo lagu magacaabo Catriona Laing
War ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in haweenaydan bedeli doono James wax badan ay ku soo kordhin doono siyaasada Soomaaliya isla markaana ay leedahay qibrad dhanka siyaasadda ah.
Catriona Laing ayaa ah haweenay door wanaagsan ku leh sida Xoghayaha Qaramada Midoobay uu sheegay dalka ay u dhalatay ee Britain iyo dalal badan oo caalamka ah.
intii u dhexeysay 1993 ilaa 1994 waxa ay soo noqotay haweenaydan Catriona Laing, madaxa xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Magacaabisteeda kor waxay aheyd safiirka UK ee dalka Nigeria intii u dhexeysay Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023.
Leave a Reply