Raxanreeb (Geneva ) Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu aad ugu yahay weeraradii arxan- darrada ahaa ee kooxda Al- Shabaab ay ka gaysteen gobolka Hiiraan halkaas oo ay ka dhaceen seddax qarax oo waawayn.
Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in weeraradaas ay muujinayaan sida laga maarmaan ay u tahay in la helo xasilooni muwaadiniinta Soomaaliyeed si buu yiri si nabad a ay ugu noolaadaan deegaankooda.
Wuxuu tacsi u dirayaa qoysaska/ehellada dadkii ku dhintay iyo sidoo kale Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeynayaa kuwa dhaawacmay.
Intaas waxa uu raaciyay in Qaramada Midoobay ay ka go ‘ an tahay sii wadista dadaalada Nabadeed iyo taageerada ay siinayso Soomaaliya si buu yiri ay uga soo kabato xaaladaha kala duwan ee colaaduhu ay sababeen.
Xoghayaha ayaa xusay inuu xaqiijinayo sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inay la shaqeyso hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si dadka iyo Dowladda Soomaaliya loogu taageeraan waddada ay u marayaan Soomaaliya oo nabad ah.
Si kasta hadalka Qaramada Midoobay ayaa imaanaya , iyadoo magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ay ka dhaceen seddax qarax oo waa- wayn kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof kuna dhaawacmeen 70 qof dad ka badan.
Leave a Reply