Eed intee la -eg ayay NISA ku leedahay qaraxyadii gil-gilay Beledwayne ?

Beledwayne (Raxanreeb ) Ka dib qaraxyadii gil-gilay xarunta gobolka Hiiraan ee Beledwayne waxaa soo baxaya eedo la xiriira cida iska leh masuuliyada weeraradaas Al- Shabaab ay ka gaysteen magaalada.

Wasiirka amniga maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa sheegay in sababaha qaraxyadaas ay uga dhaceen gudaha magaaalada Beledwayne gaar ahaan goobaha muhiimka ah ay tahay dayacaad dhanka ammaanka.

Wasiirka ammaanka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay saraakiisha Hay’adda nabad sugidda iyo booliska in ay masuul ka yihiin in gawaaridaas ay ka soo gudbaan buundooyinka isla markaana ay isku qarxiyaan xerada lama- galaay.

Waxa uu carabka ku dhuftay wasiirka amniga maamul goboleedka Hirshabeelle in ujeedka Al-Shabaab ay ka leeyihiin qaraxyada ku dhamaynayaan dadka uu yahay si hoos uga dhaco kacdoonka kaga furan gobolka Hiiraan.

“Waxa Beledweyne ka dhacay amniga ayaa sabab u ahaa, Saraakiisha amniga Beledweyne dayac ka yimid ayey dadka ku dhinteen shalay qaasatan Booliska iyo Nabadsugidda ”ayuu yiri Cabdi Daahir Guure (Karoore) .

Wasiirka amniga ayaa sheegay in ay ahayd in ciidanka Hay’adda nabad sugidda iyo kuwa booliska ay muujiyaan feejignaa dhanka amniga sida uu yiri.

Si kasta hadalkan ayaa imaanaya , iyadoo magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ay ka dhaceen seddax qarax oo waa- wayn kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof kuna dhaawacmeen 70 qof dad ka badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.