Raxanreeb (Muqdisho ) Maxkamadda ciidanka Qalabka sida ayaa maanta oo Isniin ah dil ku fulisay – laba qof oo lagu helay in hore dil ay ugu gaysteen magaalada Muqdisho.
Dilkan ayaa labadan qof ee la toogtay , fuliyay iyaga oo ka tirsan kooxda Al- Shabaab kuwaas oo ka dhacay inta badan caasimadda.
Waxa ay ku warantay Maxkamadda in Magacyada Axmed & Qoono ayay Caan ku ahaayeen, waxaana ay Alshabaab ka tirsanaayeen ilaa 2014kii, balse ugu dambeyn Maanta la toogtay.
Muddo ayay u xirnaayeen kiiska lagu eedeeyay ee ah in ay dilal ka geysteen Magaalada Muqdisho oo ay ku xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka oo ugu dambeyn maanta la toogtay.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa gacanta ku haysa kiisas kala duwan oo qaarkood xukunnadooda ay ridday, halka lagu wado in ay dhageysato eedaha kale ee loo heysto Askar, Dad ku eedeysan in ay katirsan AS & Daacish oo Dowladda u xiran.
Leave a Reply