MD  Xasaan ‘’ Soomaaliya saamayn baaxad leh ayaa ka soo gaartay Isbedelka Cimilada ‘’

MD  Xasaan ‘’ Soomaaliya saamayn baaxad leh ayaa ka soo gaartay Isbedelka Cimilada ‘’

Raxanreeb (Jabuuti ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee ku aaddan ka hortagga xaalufinta iyo nabaad guurka deegaanka.

Hadalkan ayuu sheegay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ka sheegay khudbad uu  ka jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimmilada ee Jabuuti

Madaxweynaha ayaa dul istaagay saamaynta baaxadda leh ee isbeddelka Cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya,  ayaa sheegay  in ay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada isbadalaysa.

“Soomaaliya, waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada. Waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada, inagoo dhawaan daah furnay Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.”

Shirka oo ay ka qeyb galeen wufuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka ayaa la iskula meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta Isbeddelka Cimilada ee Wadamada gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.