Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdhiye) ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo gobolka Sool. Mashaariicda uu ra’iisul wasaaraha dhagax dhigay, waxaa ka mid ah dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood iyo mashruuc koronto lagu galinayo 45 xarumood. Sidoo kale xarumahan ayaa...
Day: April 14, 2025
Muxuu kala hadlay RW Xamsa xubnaha matalayey bulshada gobolka Sanaag ?
Laascaanood ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ayaa magaalada Laascaanood ee caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay in loo baahan yahay xoojinta nabadda, midnimada, is-dhexgalka...
RW Xamsa ” SSC-Khaatumo waa maamul goboleed kamid ah dowladda Federaalka Soomaaliya
Laascaanood ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa ka dhawaajiyay in SSC-Khaatumo uu yahay maamul goboleed xubnin ka ah dowladda federaalka Soomaaliya. Munaasabada waxaa goob joog ka ahaa madaxda heer kala duwan ah Isimmada dhaqanka iyo kumanaan shacab ah....
Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine dadna ay ku dhinteen
Ukraine ( Raxanreeb Online) Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay 83 kalena way ku dhaawacmeen, oo ay carruur ku jireen, kadib weerar uu Ruushku ku qaaday Ukraine, sida wasaaradda arrimaha gudaha Ukraine ay sheegtay. Tirada dhimashada ayay sheegeen inay kordhi karto, iyadoo dadka dhaawacmay ay ku sugnaayeen waddooyinka, gawaaridooda dhexdooda, gaadiidka dadweynaha iyo guryahooda....