Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Cabdi faarax Shirdoon oo Ra’iisul wasaare soo noqday muddaadii u dhaxeeysay 2012 ilaa 2013. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay isla qaateen muhiimadda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab...
Day: April 20, 2025
Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho
Ceelasha Biyaha ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helay weerar Al-shabaab ay xalay saqdii dhexe ku qadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lee yihiin duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa la tilmaamay inuu ku biloowday qaraxyo, kadibna uu xigay dagaalka toos ah oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka...
Al-shabaab oo Gowrac iyo kufsi ka geystay degmada Aadan Yabaal
Aadan Yabaal ( Raxanreeb Online) Waxaa degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, laga soo warinaya dhacdooyin naxdin leh, tan markii todobaadkii hore ay Al-shabaab ay dagaal ay ku qadeen halkaasi ay kula wareegeen. Ilo wareedyo kamid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in sideed qof oo shacab ah oo shan kamid ah Dumar yihiin, ayaa...
Safiirka Soomaaliya ee dalka Mongolia oo laga gudoomay nuqul ka mid ah warqadah aqoonsiga
Mongolia ( Raxanreeb Online) Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Mongolia, Marwo Hodan Cismaan Cabdi ayaa si rasmi ah nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbisay agaasimaha habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mongolia, Mudane Ts. Ankhbayar. Danjire Hodan ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay bilowga waajibaadkeeda cusub, ayna ka go’an tahay sii...
Kumanaan qof ayaa ku biiray mudaharaadyo ka dhan ah Trump guud ahaan Mareykanka
New York ( Raxanreeb Online) Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka guud ahaan Mareykanka maalintii Sabtida si ay uga mudaaharaadaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Mudaaharaadyadan oo loo yaqaan “50501”, oo ah “50 mudaaharaad, 50 gobol, 1 dhaqdhaqaaq”, ayaa loo qorsheeyay in ay la jaanqaadaan sannad-guuradii 250-aad ee bilowgii...