Day: April 23, 2025

Home » Archives for April 23, 2025
MW Xasan oo kulan la qaatay Ergada midowga Afrika ee Soomaaliya
Post

MW Xasan oo kulan la qaatay Ergada midowga Afrika ee Soomaaliya

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed,...

Guddoonka labad aqal oo kulan ka yeeshay dardar gelinta iyo dhameystirka dastuurka
Post

Guddoonka labad aqal oo kulan ka yeeshay dardar gelinta iyo dhameystirka dastuurka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaah, ayaa kulan la qaatay Guddiga Lasocodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo sidoo kale Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Kulanka oo...

Guddoomiye Abshirow oo shir guddoomiyey kulan uu yeeshay guddiga Miisaaniyadda Baarlamaanka
Post

Guddoomiye Abshirow oo shir guddoomiyey kulan uu yeeshay guddiga Miisaaniyadda Baarlamaanka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulan uu maanta yeeshay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddiga ee xarunta guddoonka iyo guddiyada Villa Hargeysa, waxa ay...

Shir looga hadlayo sidii howlgalka AUSSOM u heli lahaa dhaqaale oo ka socda Uganda
Post

Shir looga hadlayo sidii howlgalka AUSSOM u heli lahaa dhaqaale oo ka socda Uganda

Kambaala (Raxanreeb Online) Waxaa magaalada Kambaala ee caasimada dalka Yugaandha ka socda shir u dhaxeeya  Taliyeyaasha dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxa uuna soconayaa shirka 22 ilaa iyo 25 bishan April. Shirkan ayaa waxa uu yahay mid ay Taliyeyaasha uga hadlayaan sidii taageero dhaqaalo loogu garab istaagi lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM. Mas’uuliyiinta kulanka ka...

Tirada dhimashada weerarka Hindiya oo korortay
Post

Tirada dhimashada weerarka Hindiya oo korortay

Hindiya ( Raxanreeb Online) In ka badan 26 qof ayaa lagu dilay weerarka argagixiso ee ka dhacay Pahalgam, Jammu iyo Kashmir. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Hindiya ayaa tebisay in ugu yaraan 28 qof ay naftooda ku waayeen weerarkaan. Inta badan dadka dhintay waa dalxiisayaal, waxaana weerarkan lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee waayahaan...

Weerar khasaaro dhaliyay oo ciidanka deegaanka ay xalay ku qaadeen deegaanka Abooreey
Post

Weerar khasaaro dhaliyay oo ciidanka deegaanka ay xalay ku qaadeen deegaanka Abooreey

Abooreey ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay  ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan, ay ku qaadeen xubno  ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaas. Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen Al-shabaab isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxay halkaas ku qaadeen weerar...