Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka. Kulanka golaha ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka,...
Month: April 2025
Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisayay howlgallo ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Hir-shabeelle-Somalia ( Raxanreeb Online) Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan, oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalladii u dambeeyay ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameyeen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Afhayeenka ayaa sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Ceelka Nuur Gadow lagu dilay 5 xubnoo oo katirsanaa Al-shabaab,...
Ukraine oo sheegtay in ay qabatay askar u dhalatay Shiinaha
Ukraine ( Raxanreeb Online) Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba muwaadin oo Shiinaha u dhashay, kuwaasi oo u dagaallamayay ciidammada Ruushka ee gobolka Donetsk, bariga Ukraine, sida uu sheegay Madaxweynaha dalkaasi, Volodymyr Zelensky. Talaadadii ayaa madaxweynaha Ukraine waxa uu tilmaamay in ay hayaan xogo muujinaya in tirada ciidanka Shiinaha ee ka...
Maamulka Puntland oo yeeshay hay’adda aqoonsiga dadweynaha
Garoowe ( Raxanreeb Online) Siciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta soo saaray xeer madaxweyne oo lagu dhisayo hay’adda aqoonsiga dadweynaha Puntland ( PID). Wareegtada kasoo baxday xafiiska Deni ayaa u qorneed sidan. Madaxweynaha Puntland, markuu arkay: Dasruuka dowladda Puntland Markuu arkay baahida loo qabo dhismaha hay’adda aqoonsiga dadweynaha Puntland. Markuu arkay talo...
Renewed Fighting in Abooreey as Somali Forces Repel Al-Shabaab Assault
Hiiraan, Somalia (Raxanreeb Online) – Fierce clashes erupted again this morning in Abooreey, a village in the Hiiraan region, as Somali government forces and allied community fighters engaged in heavy combat with Al-Shabaab militants. According to security sources on the ground, the Somali National Army (SNA), backed by local Macawiisley forces, mounted a strong defense...
Golaha Ammaanka oo ka doodaya kala qeybsanaanta Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrinta Al-shabaab
New York ( Raxanreeb Online) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa la filaya in bishaan April ay kulan ka yeeshaan xaaladda kala qeybsanaanta siyaasadda Soomaaliya iyo saameeynta Al-shabaab. Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo madaxa howlgalka KMG ah ee UN-ka ( UNTMIS), ayaa la qorsheynaya in ay warbixin siiyaan....
Dagaal culus oo saakay markale dib uga qarxay deegaanka Abooreey
Abooreey ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Abooreey ee katirsan gobolka Hiiraan, ayaa ku waramaya in markale saakay uu halkaasi dib uga qarxay dagaalka xooggan. Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab, waxaana lasoo warinaya in dagaalka uu yahay mid culus. Ilo wareedyo amniga...
Howlgal qorsheysan oo lagu dilay madaxii Dacwada Shabaab ee Shabeellaha Dhexe
Hir-shabeelle ( Raxanreeb Online) Faaf faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa howlgal qorsheysan oo ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ay ka fuliyeen sacaadihii lasoo dhaafay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab. Howlgalka ayaa la sheegay inuu iugu jiray mid weerar dhulka ah iyo duqeyn cirka...
Safiirka Yahuuda u fadhiya Itoobiya oo laga ceyriyay shirka Midowga Afrika
Avram Neguse, Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya, ayaa lagu qasbay in uu ka baxo shir ay lahaayeen Midowga Afrika Isniintii, kaasoo looga hadlayay xasuuqii Rwanda. Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Ambassador Avram Negus, ayaa sheegay in dalalka xubnaha ka ah ay ku qasbeen inay shirka ka baxaan, sababtoo ah waxay diideen inay ka qaybgalaan. Wasaaradda,...
Wasiirka Maaliyadda oo kulan la yeeshay dhiggiisa Maaliyadda ee dalka Kuwait
Kuwait ( Raxanreeb Online) Wasiirka Maaliyadda Soomaalia Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku gaaray dalka Kuwait ayaa maanta waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Kuwait Marwo Eng. Nuura Sulaiman Al-Fassam iyo saraakiil sare oo Wasaaradda Maaliyadda Kuwait ka tirsan. Kulanka oo ay Wasiirka Maaliyadda ku wehlinayeen...








