Isimada Puntland oo soo xulay baarlamaanka maamulkaasi

Isimada Puntland oo soo xulay baarlamaanka maamulkaasi

Garowe (Raxanreeb) — Isimada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo xulay 66-da Xildhibaan ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedkaasi xilli uu jiro is qab qabsi siyaasadeed oo xooggan.

Baarlamaanka 6aad ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa looga maarmi waayay in dib loogu celiyo soo xulista Isimada dhaqanka kaddib markii uu socon waayay qorshaha doorashada Dadwaynaha ee Dowlad-Goboleedkaasi ay wadday.

Arrintan ayaa uga sii dareysa muranka haatan ka taagan doorashada Puntland, maadaama ay horay tallaabadan uga digeen mucaaradka iyo Isimada dhaqanka Puntland oo iyagu soo jeediyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan ee maamulkaasi keliya.

Sidoo kale arrintan ayaa uga sii dareysa go’aankii dhowaan kasoo baxay Isimada SSC-Khaatumo iyo hoggaankooda sare kuwaas oo shaaciyay inay ka madax bannaan yihiin maamulka Puntland.

Xildhibaannada waxaa sidoo kale lagu soo daray 17ka xubnood ee metalaya SSC (Sool, Sanaag & Cayn) oo dhowaan maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo si cad u diiday in ay soo xulaan xubnahaas Golaha Wakiillada katirsan.

Xubnahaan lasoo xulay ayaa isniinta todobaadka soo socda oo ku beegan 8da Janaayo 2024 waxa ay dooran doonnaan Madaxweynaha & Ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Puntland sida uu qorshuhu yahay haddii aanay dib u dhac ku imaan.

Deni, ayaa doonaya in doorashada lagu galo 66-da xildhibaan ee hore ahaan jirtay sinaba waxba looga baddelin.

Dhanka kale ma jirto weli wax hadal ah, oo kasoo baxay mucaaradka maamulkaasi, iyo Isimada dhaqanka ee SSC Khaatumo.