7 ruux oo ku geeriyootay tahaada Shabeelle ee Baladweyne

7 ruux oo ku geeriyootay tahaada Shabeelle ee Baladweyne

Baladweyne (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, xaalad adag oo ka taagan deegaankaasi oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Fatahaadda ayaa saameeysay gebi ahaanba magaalada Baladweyne xaafadaha ay ka koobantahay halkaas oo biyaha xoog usoo galeen halka biyo xireeno horey u jiray ay soo jabiyeen biyaha.

Dad goobjoogeyaal ah, oo halkaasi ku sugan ayaa inoo xaqiijiyay in fatahaada wobiga ay sababtay khasaare kala duwan dhimasho dhaawac iyo burbur xooggan oo hantiyadeed intaba uu geeysatay fatahaaddasi xooggan.

Tirada dhimashada ayaa lagu sheegay illaa iyo 7 qof kuwaas oo ay biyaha qaadeen halka qaar kaloo badana ay ku go’doonsanyihiin xaafado ka tirsan magaalada Baladweyne.

Haatan waxaa jira Qoysas badan oo ka barakacay dhibaatada uu ku sameeyay Wobiga Shabeelle ee ku fatahay magaalada Baladweeyne inteeda badan.

Qoysaska barakacayaasha ayaa lasoo werinayaa in dhibaato xooggan oo dhanka nolosha ay ku haysato duleedka Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in u gurmashada dadkani uu saameeyay fatahaadda wobiga Shabeelle in aad looga gaabiyay.

Sidoo kale Maamulka gobolka iyo kuwa degmooyinka ayaa farriin u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo HirShabeelle in dadkani ay gurmad bini’aadannimo lasoo gaaraan.

Baladweyne ayaa ah, mid sannad kasta oo wobiga Shabeelle uu fatahaad sameeyo uu ku dhuftay halka ay dad badani naftooda ku waayaan halka kumannaan kun ka barakacaan deegaankaasi.

Soomaaliya ayaa inta badan sannadkan Deyrta aad uga da’day gobollada dalka oo dhan halka Wobiga Shabeelle uu sameeyay fatahaad xooggan.

Soomaaliya ayaa ku dhufatay duufaanta loo yaqaano El Niño taas oo Qubarrada Hawada ay aad uga digayeen meelaha uu Wobiyada ay ku fatahi karaan iyo togogga waaweeyn sida Waraha in laga fogaado.