Maxkamada Ciidamada oo xukun ku ridday 24 askari

Maxkamada Ciidamada oo xukun ku ridday 24 askari

Guriceel (Raxanreeb) — Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida 13-ka bishan u fariisatay maxkamadeynta 24 askari oo ku dagaallamay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

24 askari ayaa ka kala tirsan Millatariga Booliska iyo NISA, ayaa loo haystaa eeyd ah, dilal dhaawacyo iyo bur-bur hantiyadeed iny geysteen kaas oo ka dhacay magaalada Guriceel.

Xeer Ilaaliye ku xigeenka guud ee Ciidamada Qalabka Sida Cabdicasiis Cismaan Faarax, ayaa maxkamadda ka hor sheegay eedaha loo haysto askartan oo gaareysa 24-ka askari isagoona ka codsaday Maxkamadda in ay ku wada xukunto dhammaantood dil toogasho ah.

“Dadkaas waxa ay dileen marxuum Nuur Axmed Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka, waxay gaysteen dhaawacyo, waxaan codsanayaa dhammaantood in lagu xukumo dil toogasho ah” ayuu yiri xeer ilaaliye ku xigeenka Cabdicasiis Cismaan Faarax.

Maxkamadda ayaa la hor keenay marqaatiyaal kuwaas oo markii hore ku sugnaa goobta lagu dagaallamay, oo ahayd magaalada Guriceel.

Sheekh Daahir oo ah, baaraha kiiskan ayaa sheegay in askartan dhammaantood ay yihiin danbiilayaal kiiskan lagu soo eedeeyayna uu yahay mid saxan.

“Markaan baaritaan ku sameynay kiiskaas waxaa noo cadaatay in eedeysanayaasha ay yihiin kuwa galay eeda loo soo jeediyay” ayuu yiri Sheekha Daahir.

“Markaan baaritaan ku sameynay kiiskaas waxaa noo cadaatay in eedeysanayaasha ay yihiin kuwa galay eeda loo soo jeediyay” ayuu yiri Sheekh Daahir Faarax.

Sidoo kale qareennada difaacayay eedeysanayaasha ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin eedaha loo soo jeediyay askartan dhammaantood halka ay Maxkamadda Ciidamada ay ka codsadeen in dib loo siiyo xorriyadooda.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa isla maanta oo Arbaca ah, 15 ka mid ah, askarta ku ridday xukun 3 sanno oo xabsi ciidan ah, iyo bixinta diyada ama magta marxuumuumiinta kala ahaa Nuur Axmed Maxamed iyo Saciid Salaad Cali iyo Marxuumiintan oo ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday Guriceel iyo bixinta magta 5 ruux oo ku dhaawacantay dagaalkaasi.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa sheegtay in wax denbi ah, lagu waayay 8 ka tirsaneeyd eedeysanayaasha kuwaas oo dib loo siiyay xorriyaddooda.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa inta badan ku dhex dagaallama magaalooyinka halka is faham waa yar soo dhex galo halkaasoo la isku adeegsado hubka noocyadiisa kala duwan.