Wasiirka Amniga Maamulka HirShabeelle oo ka hadlay Howlgallo

Wasiirka Amniga Maamulka HirShabeelle oo ka hadlay Howlgallo

Muqdisho (Raxanreeb) —Wasiirka, amniga HirShabeelle, Maxamed Cabdiraxman Kheyre, ayaa faah faahin ka bixiyay weerrarada Ururka Al-Shabaab, ay ku qaadeen deegaannada gobolka Hiiraan.

Wasiirka, oo ku sugan furanta hore ayaa sheegay tallaabada ay qaadeen ay jawaab cad u tahay talaabooyinkii ugu danbeeyay ee Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaannadaasi, ayagoo miinooyin ku xiray ceelal halka ay dab qabadsiiyeen guryo badan.

Wasiirka Amniga, Dowlad Goboleedka HirShabeelle, ayaa sheegay howlgallada inay ka socdaan deegannada Maxaas, iyo Matabaan, ayna ku qabsadeen deegaanno cusub.

Wasiir Kheyre, ayaa ku sheegay wareeysi uu siiyay Universal Tv, asagoona yiri. Sidaad la socotid maalmihii ugu danbeeyay deegaannadaan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannada hoos yimaada Matabaan, iyo Maxaas, waxaa ka socday howlgallo oo nimankan cadowga ah looga sifeynayo, kaddib markii dadka deegaanka ay culeesaad dhib badan saareen oo ay ka mid tahay inay xoolihii ka dhacaan, ceelashiina ay ka qarxiyaan ama ka duugaan, guryihiina ay ka gubaan.

Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, wuxuu kaloo sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah, Uururka Al-Shabaab, ayna gacanta soo gelin doonaan deegaannada ka maqan maamulka HirShabeelle.

sidoo kale wuxuu yiri, Marka annnaga oo dadka u gurmaneyno ayay howlgalladaan billowdeen, Insha Allah, meelaha aan hadda joogno inaan xakameyno meelihii kalena ee cadowga dhibaateynaayo inaan uga daba tegno ayaan rajeyneynaa,” ayuu sii raaciyay wasiirka amniga HirShabelle.

Gobolka Hiiraan, ayaa ah, meelaha ay ugu awoodda badan yihiin Al-Shabaab, ayna ka geeystaan weeraro kala duwan, sida qaraxyo galaaftay naf iyo maalba halka dhowaan lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa deegannadaasi, waxaa ka socday howl gallo ka dhan ah, Al-Shabaab, ayadoo duqeeymo ka socdeen fariisamaha Ururka A-lShabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.