Pakistaan, ayaa u dabbaal degeysa 75-guurada maalinta xorriyadda

Pakistaan, ayaa u dabbaal degeysa 75-guurada maalinta xorriyadda
Muqdisho (Raxanreeb) — Dalka Pakistaan, ayaa maanta oo Axad ah, u dabbaal dagay 75-sanno oo ka soo wareegatay markii uu xornnimada qaateen, waxaana guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi laga dhigay munaasabado rasmi ah.

Magaalada Karachi, waxaa xafladda lagu qabtay hoyga Muxamed Cali Jinnah, aas aasihii qaranka.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Sindh Agha Siraj Durrani iyo madaxa gobolka Sindh Murad Ali Shah, ayaa dhigay ubax qabriga Jinnah, waxayna kor u qaadeen calanka dalka.

Shah, ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin Kashmiiriyiinta ku hoos nool xukunka Hindiya.

"Maanta waa inaan iloobin walaalaheenna reer Kashmiir, ee ku hoos nool xukunka wuxuushnnimada ah ee Hindiya, waxaan weli ka go'annahay xorriyaddooda," ayuu yidhi.

Bishii Ogosto 14, 1947, Waddan madaxbannaan oo Baakistaan ah, ayaa ka soo muuqday masraxa adduunka markii ugu horreysay markii qaarad-hoosaadka Hindiya si rasmi ah, loo qaybiyay laba maamul oo cusub oo Hindiya, iyo Pakistan, iyada oo la raacayo shuruudaha sharciga madaxbannaanida Hindiya, oo uu ansixiyay baarlamaanka Ingiriiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published.