Muqdisho (Raxanreeb) — Ururka Al-Shabaab, ayaa weerar ku qaaday hotel ku yaalla Muqdisho, lagu magacaabo Hotel Xayaat, kaasi oo weeraro loo adeegsaday qaraxyo iyo weeraro toos ah.
weerarka ayaa weli socda walow ay jiraan khasaare kala duwan tirada dhimashada ayaa la sheegay ku dhowaad 10 qof halka uu dhaawaca kasii badan yahay.
Dadka dhintay ee la xaqiijiyay ayaa magacyadooda lagu sheegay Ganacsade Cabdiraxmaan Xassan Iiman, Yuusuf Mahad Barrow, Ibraahim Raage, Cabdihaadi Maxamed Sheekh Aadam, Xasan Maxamud Faarax iyo qaar kaloo aan la xaqiijin weli.
Dadka dhaawacmay ayaa ka mid ah, taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir, Muxidiin Warbac Shaadoor, oo ka mid ahaa dadkii u tegay gurmad ahaan.
Leave a Reply