Hoobiyaal lagu weeraray xaafado katirsan Muqdisho

Hoobiyaal lagu weeraray xaafado katirsan Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Weerar Hoobiyaal ah, oo Xalay saqdii dhexe lagu qaaday xaafad ka tirsan degmada Xamar Jajab, kuwaas oo aan la ogeeyn cidda ka danbeeysay.

lammaane dhowaan aqal galay ayaa ka mid ahaa ku dhaawacmay goobtaasi, ayagoona uu gurigooda kusoo dhacay waxaana soo gaaray dhaawac, halka ay sarriirtooda buuxsantay dhiig sida ka muuqata muuqaal ay baahiyeen Telefishinnada qaar.

lammaanayaasha, ayaa loola cararay isbitaalka Madiina ayagoona la sheegay inuu soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

waxaa kaloo jira ku dhowaad 20 qof oo shacab ah, inay ku dhaawacmeen halka ay u badnaayeen 8 carruur oo isla dhalatay.

ma jirto masu’uliyadda weerarkani qof sheegtay illaa iyo hadda, walow ay sheegan jireen Ururka Al-Shabaab horay inay weeraro hoobiyaal ah, ay ka geeysan jireen gudaha magaalada Muqdisho.

Weeraradan ayaa ah, kuwii ugu dhimashada badnaa ee Al-Shabaab ay ka fuliso Muqdisho tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022.

Madaxweyne Xasan, ayaa sheegay inay tahay ahmiyaddiisa koowaad la dagaallanka Ururka Al-Shabaab, taasoo keentay weeraro isdaba joog ah, inay ku qaadeen gobollada qaar ee Soomaaliya HirShabeelle iyo Bakool.

Horrraantii bishii hore ayay dagaal ku qaadeen dowlad deegaanka Soomaalida, kaasi uu socday inkabadan Toddobaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.