Dagaallo u dhaxeeya ciidamada Ciraaq oo maalintii labaad ka socda magaalada Baqdaad ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 30 qof

Dagaallo u dhaxeeya ciidamada Ciraaq oo maalintii labaad ka socda magaalada Baqdaad ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 30 qof

Baqdaad (Raxanreeb) Rabshadaha ayaa billowday kaddib markii hoggaamiye diimeed ee awoodda badan ee Shiicada Muqtada Al-Sadr uu Isniintii ku dhawaaqay inuu iska casilayo siyaasadda Ciraaq, taasoo keentay in boqollaal xertiisa ah oo cadhaysan ay xoog ku galaan qasriga dawladda, halkaas oo ay isku dhaceen ciidammada ammaanka.

Dibad-baxayaasha daacadda u ah al-Sadr ayaa xarigyo ku soo rogay xayndaabyadii shamiitada ee bannaanka hore ee qasriga dowladda, waxayna jebiyeen albaabbada, iyagoo ku soo yaacay goobaha lagu qurxiyo ee quruxda badan iyo hoolalka marmarka ah ee qasriga, oo ah goob muhiim ah oo ay ku kulmaan madaxda Ciraaq iyo madaxda shisheeye.

Xigasho Aljazeera Milateriga Ciraaq ayaa ku dhawaaqay bandow dalka oo dhan ah, waxaana ra’iisul wasaare ku-xigeenka uu hakiyay fadhiyadii golaha wasiirrada si uu uga jawaabo rabshadaha. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in daraasiin dibadbaxayaal ah ay ku dhaawacmeen rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa iyo gacan ka hadal ay la galeen booliiska rabshadaha.

Dowladda Ciraaq ayaa fadhiid ah tan iyo markii xisbiga al-Sadr uu ku guuleystay saamiga ugu badan ee kuraasta doorashadii baarlamaanka bishii Oktoobar balse kuma filna in uu helo dowlad aqlabiyad ah.Intii uu socday iska horimaadka Isniintii, maleeshiyaad taabacsan al-Sadr ayaa isugu soo baxay fagaaraha Taxriir ee caasimadda si ay u difaacaan dibadbaxayaasha, sida uu sheegay mid ka mid ah taliyayaasheeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.