Sacuudiga oo $13 milyan ugu deeqay abaaraha ka jira Soomaaliya

Sacuudiga oo $13 milyan ugu deeqay abaaraha ka jira Soomaaliya

Riyadh( Raxanreeb ) Xarunta gargaarka bini’aadanimada ee boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin-Abdulaziz, ayaa bilaawday wejiga labaad ee gargaarka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta ka jirta gudaha Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa shaaciyay in lacag $13 milyan ay ku garab istaageyso u gurmashada dadka abaaraha ay saameeyeen in ku sugan gudaha dalka.

Wajigii koowaad ee taageerada Sacuudiga oo lagu qiimeeyay lacag dhan 7.18 milyan, ayaa gacan ka geystay wax ka qabashada macluusha iyo saameynteeda.

“Annaga oo ka duulayna awaamiirta Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ah in la garab istaago dadka tabaalaysan ee dalalka walaalaha ah iyo kuwa saaxiibada ah, waxaan daah-furnay wajigii labaad ee gargaarka deg-degga ah si ay uga qayb qaataan daboolidda baahiyaha bini’aadantinimo ” sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xarunta.

Dowladda ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ugu deeqeyso 47.214 riyaal oo u dhiganta $12.9 milyan oo dolar oo maraykan ah.

Intii u dhaxaysay 2010 iyo 2012, ilaa 250,000 oo qof ayaa gaajo ugu dhintay Soomaaliya, kuwaas oo kala bar ka mid ahi ay ahaayeen carruur.

HORE : WFP ayaa sheegtay in si degdega loogu baahan yahay illaa $416 milyan si gargaar degdeg ah loogu fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, illaa dhammaadka sannadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.